Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa in lagu riday xukun uu ku mutaysan doono in laga jaro 99 jeedal, kaddib markii lagu eedeeyey in uu jabiyey sharciga oo uu ku kacay fal muujinaya macsi.
38 jirkan afak hore uga ciyaara kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Nassr ayaa xabbadka geliyey gabadh reer Iran ah, kaddibna ka dhunkaday dhabanka, waxaanay taasi keentay in lagu soo oogo dacwad uu ku mutaysanayo in lagu dhufto 99 jeedal.
Ronaldo oo bishii January u guuray waddanka Sucuudiga oo uu heshiis la gaadhay Al-Nassr oo sannadkii uu mushahar uga qaadanayo 173 milyan oo Gini, ayaa waxa uu qayb ka ahaa ciyaartoyda kooxdiisa ee safarka ku tegay magaalada Tehran ee caasimadda Iran bishii September oo ay kula soo ciyaareen Persepolis kulan ka tirsanaa tartanka Asian Champions League, waxaana kulankaas 2-0 kusoo badisay Al-Nassr.
Intii ay booqashada ku joogeen Iran, Ronaldo ayaa waxa uu la kulmay Fatemeh Hamami oo ah gabadh samaysa sawir-gacmeedka oo aanu laxaadkeedu dhamayn, waxaana isaga oo niyad-samaan u muujinaya uu ka dhunkaday dhabanka, sidoo kalena waxa uu geliyey xabbadka.
Sharci-yaqaannada Iran ayaa waxay markiiba ka gudbiyeen dacwad iyaga oo u cuskanaya qodobka dhigaya, in aanu nin rag ah taaban karin gabadh aanu qabin oo aan xaaskiisa ahayn, amaba aan walaashii ahayn, taas oo uu ku tilmaamay macsi.
Ronaldo ayaa la qaban doonaa haddii uu ku laabto Iran, waxaana lagu dhufan doonaa 99 jeedal ama ulood, balse waxa la sheegay in ay u bannaan tahay in xukunkan uu ka qaato rafcaan oo uu ku doodo in aanu ujeeddo kale ka lahayn, balse dhiirrigelin uu u samaynayay gabadhaas.
By Abdiwahab Ahmed
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com