Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo Taliye Ciidan loo magacaabay (Akhriso Digreeto)

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Gudoomiyihii hore ee Nugaal G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loogu magacaabay in uu noqdo Taliyaya Ciidanka Kaydka ee Puntland.

Halkan ka Akhriso Digreetada Magacaabista

Madaxweynaha dowlad  Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 October 2018 magcaabay Taliyaya Ciidanka ah ee Kaydka Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Puntland.

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cabdi-saciid: “Weerarka la igu soo qaaday ujeedkiisu wuxuu ahaa in la igu dilo”

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo ku baaqay in isbadal lagu sameeyo Hoggaanka Hay’addaha Amniga

Cabdi Cade

Daawo:-Siyaasiyiin xil doon ah oo buux dhaafiyay hoyga R/Wasaare Rooble iyo Kenya oo raadineysa …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---