Allbanaadir.com
NEWS

Dibad-baxyo lagu gubay calamada Israel & Mareykanka oo ka dhacay dunida Muslinka (Sawirro)

Tobanaan kun oo Muslimiin ah ayaa maanta oo Jimce ah isugu soo baxay salaadii Jmcaha ka dib guud ahaan bariga dhexe iyo dalalka kale ee islaamka qaarkood iyagoo taageeraya Falastiiniyiinta, kana soo horjeeda duqeymaha Israa’iil ee sii xoogaysanaya ee Gaza, iyagoo hoosta ka xarriiqay khatarta ka dhalan karta isku dhac baahsan oo gobolka ka dhaca,

Dibed baxyadan ayaa ku soo beegmay iyadoo Israa’iil ay isu diyaarinayso duullaan dhinaca dhulka ah iney ku qaado Gaza inkastoo talaabadaas ay uga digeen Mareykanka iyo dalal kale.

Khudbadaha salaada Jimcaha ayaa sidoo kale lagu soo qaatay gardarada Israel, iyadoo loogu duceeyey shacabka reer Falastiin ee u halgamaya dhulkooda iyo xoriyadooda.

Laga soo bilaabo waddooyinka caadiga ah ee ee bartamaha magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ilaa caasimadda Yemen ee Sanca, dad badan oo Muslimiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka salaaddii Jimcaha ka dib, iyagoo ka carooday duqaymaha ba’an ee ay Israa’iil ku hayso Qaza oo bilaabmay ka dib markii kooxda Xamaas ay bilaabeen weerar aan hore loo arag oo lagu qaaday Israa’iil Sabtidii hore.

Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qadiimiga ah ee Jerusalem, booliiska Israa’iil waxay u ogolaadeen rag, haween iyo carruur gaar ah oo kaliya in ay galaan dhismaha si ay u tukadaan, iyagoo isku dayaya inay xaddidaan suurtagalnimada rabshadaha. Kaliya 5,000 oo qof oo ku cibaadeysanayay ayaa goobta soo galay, sida ay sheegtay hay’adda Islaamka ee maamusha masaajidka. maalmaha kale ee Jimcaha caadiga ah, ilaa 50,000 ayaa tukada.

“Ma noolaan karno, ma neefsan karno wey na caburinayaan” ayuu yiri Ahmad Barbour oo ah 57 jir ka dib markii ay booliisku ka hor istaageen inuu galo salaadda.

Masaajidku waxa uu ku fadhiyaa dhismo buur dusheed ah oo muqadas u ah Yuhuuda iyo Muslimiintaba, sheegashooyinka iska soo horjeeda ee masaajidka ayaa hore u galay rabshado. Masjidka Al-Aqsa waa goobta saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka, wuxuuna ku taagan yahay goobta ay Yuhuuddu u taqaan Temple Mount, oo ah goobta ugu barakeysan diinta Yahuudda.

Boqolaal dhalinyaro reer Falastiin ah oo cibaadaysanayay oo laga soo celiyay masjidka Aqsaa ayaa ku soo tuuray dhagxaan yar yar ciidamada Israel waxayna ku tukadeen meel banaan ah. qaar ka mid ah raggaasi ayaa bilaabay qaylo, booliska Israa’iil ayaa la dhacay budhadh iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan lix qof, sida ay sheegtay hay’adda bisha cas ee Falastiin.

Salaadda Quddus ayaa si nabad ah ku socotay ilaa ay dhawr dhallinyaro Falastiiniyiin ahi ay dab ka qabadsiiyeen saqafka sare ee dhismayaal ku yaalla bartamaha magaalada Qadiimiga ah, ciidamada Israel ayaana furay rasaas aan waxyeelo geysan.

Bannaanka Masjidka Al-Aqsa, Mid ka mid ah dadkii cibaadaysanayay oo 67 jir ah oo diiday in magaceeda la sheego cabsi ay ka qabto aargoosi, ayaa ku dhegtay teleefankeeda, iyadoo raadinaysa warka walaalkeed oo ay sheegtay in la dhigay cusbitaal goor dambe oo khamiistii ah markii gurigooda magaalada Gaza lagu duqeeyay.

Magaalada Beyruut, kumannaan taageerayaasha kooxda Xisbullah ee Lubnaan ayaa lulayay calamada Lubnaan, Falastiin iyo Xisbullah, iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayaan Gaza.

Kooxda Iran ay taageerto ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa bilaabay weeraro goos goos ah tan iyo markii ay weerartay Xamaas.

Naciim Kassim Ku xigeenka xoghayaha guud ee Hezbollah ayaa u digay maraakiibta badda ee Maraykanka iyo Ingiriiska ee ku wajahan badda Mediterranean-ka.

Saraakiisha Mareykanka, oo uu ku jiro Madaxweyne Joe Biden, ayaa si isdaba joog ah uga digay Iran iyo maleeshiyaadka gobolka ee Tehran taageersan inay ka fogaadaan colaadda u dhaxeysa Israel iyo Xamaas.

“Maraakiibkiina dagaalka nama celin karaan, hanjabaadoodana nama cabsi gelin karto,” ayuu yiri Naciim Kassim oo ka hadlay isu soo bax ka dhacay duleedka koonfureed ee Beirut. “Marka la gaaro waqtiga saxda ah ee tallaabo qaadista, waan sameyn doonaa.” ayuu intaas ku daray.

Baqdaad, tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taxriir – oo ah xarunta mudaaharaadka ee caasimadda Ciraaq – isu soo baxyo uu ku baaqay wadaadka saamaynta leh ee Shiicada ah iyo hoggaamiyaha siyaasadda Muqtada al-Sadr.

“Waan u digeynaa sharta weyn ee America oo taageerta argagixisada Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah kuwa aan jecelnahay ee Falastiin,” ayuu yiri al-Sadr.

Guud ahaan Iran, oo ah taageere Xamaas iyo cadawga gobolka ee Israa’iil, dibad-baxayaashu waxay sidoo kale ku qulqulayeen waddooyinka salaaddii ka dib. Magaalada Tehran, waxay gubeen calamada Israel iyo Maraykanka, iyagoo ku dhawaaqaya: “Israa’iil ha dhimato”, “Israa’iil waa la baabbi’in doonaa,” iyo “Falastiin ayaa noqon doonta kuwa guuleysta.”

Caasimadda Suuriya ee Dimishiq, mudaaharaadayaasha oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta xerada qaxootiga Yarmuuk ee la sameeyay ka dib dagaalkii 1948 ayaa sidoo kale isu soo baxay.

“Waxaan u sheegayaa dadka inaysan ka bixin guryahooda haddii kale waxay la mid noqon doonaan awoowayaasheena oo ka tagay Falastiin oo yimid Suuriya, laakiin aan dib u soo laaban,” Ahmad Saeed, oo ah 23 jir Falastiini ah oo ku nool Suuriya, ayaa yiri, isaga oo tixraacaya dagaalkii 1948 .

Magaalada Sanca ee dalka Yemen, oo ay gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ee weli dagaalka kula jira isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa bannaanbaxayaashu waxay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo lulaya calanka Yemen iyo Falastiiniyiinta. Hal-ku-dhegga jabhadda ayaa muddo dheer ahaa: ereyo ay ka mid yihiin “Ilaah baa ugu weyn; Ameerika iyo Israa’iil ha dhintaan; guul Islaamka”.

Salaadii jimcaha ka dib, mudaaharaadayaasha Masar ayaa iskugu soo baxay masjidka taariikhiga ah ee Al-Azhar ee ku yaala bartamaha magaalada Qaahira, oo ah machad diimeedka ugu horreeya dunida Muslimka Sunniga, iyagoo ku dhawaaqaya in Israa’iil ay sii ahaanayso cadawgooda “jiilba jiilka ka dambeeya”. Waxay ku celceliyeen hal-ku-dheggii soo jireenka ahaa ee waddaniyadda ahaa, “Waxaan siinayna naf iyo dhiig Al-Aqsa.”

Caasimadda Pakistan ee Islamabad, qaar ka mid ah dadkii cibaadeysanayay ayaa ku tuntay calamada Mareykanka iyo Israa’iil.

“Warbaahinta caalamiga ah iyo maxkamadaha caalamiga ah waxay indhaha ka qarsadaan cadaalad darada lagu hayo Falastiiniyiinta. Laakin waxa kaliya oo ay ogaadaan ficilada ay falastiiniyiintu qaadaan si ay isu difaacaan,” ayuu yiri Faheem Axmed, oo ka mid ahaa dadkii isku soo baxay.

Dalal kale oo badan ayey sidoo kale ka dhaceen banaanbaxyo careysan oo lagu diidan yahay weerarka Israel ku qaaday Gaza iyo dhibaatada shacabka reer Falastiin.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Goobihii laga saaray Ruushka oo laga helay Xabaal wadareeyo hor leh (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo xabsi iyo ganaax ku rideysa raga timaha u dabta sida Dumarka

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo si buuxda ula wareegay degaanka Basra & tuulooyinka hoos taga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---