Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo ka qeyb galaysa Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika (Sawirro)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Haaji ayaa isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga, waxay magaalada Istanbul kaga qeyb galeen Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika.

Shirkan oo sanadle ah, ayaa hal ku dheggiisa sanadkan, wuxu ahaa darsidda caqabadaha iyo dabool ka qaadista fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhaxeeya labada dhinac.

Waxaa khudbad dheer oo taariikhi ah oo uu halkaas ka jeediyey Wasiir Jibriil uu kaga hadlay xoojinta wada shaqeynta dhinacyada si loo dhiso iskaashi xoogan oo u dhaxeeya Turkeyga iyo Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Wadamada Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo taariikhi ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, waxaana dawladda Turkiga ay door muhiim ah ka ciyaartaa dhismaha iyo horumarka dawladnimada ee Sooomaaliya.

Sanad walba maanta oo kale Khamiista labaad ee bisha Oktoobar waxaa guud ahaan aduunyada laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Arraga (World Sigth day), iyadoo halku dhega sanadkana uu yahay (Jeclow aragaaga marka la joogo goobaha shaqada).

Related posts

Wararkii u Dambeeyay khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirkii Marooko oo sii kordhay

Cabdi Cade

Shirkad ay leedahay Israel oo lagu weeraray Gothenburg

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Shaaciyay Go’aan adag oo ay Al Shabaab gaareen Baaqna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---