Madaxweynaha Puntland Mudane Dr. Saciid Cabdullahi Deni wuxuu haystaa taageero caalamiya ee wadamada deriska iyo kuwa deris xigeenka ah, wuxuuna maamul goboleedka Puntland ka dhigay mid ku tilaabsada horumarinta dimoqaradiyada, waxeyna taas Puntland ka dhigtay maamul goboleedka ugu horeyey ee gobolada koofureed oo deegaanadeeda ka fuliyey doorasho qof iyo coda oo ka dhacday doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo dowladaha hoose, wuxuuna sidoo kale geedisocod u galay in doorasho qof iyo coda lagu soo doorto madaxweynaha maamulka iyo xildhibaanada baarlamaanka, waxeyna tilaabadaas ay rajo weyn gelineysaa kalsoonida uu ku hiigsanayo hamigiisa weyn oo ah guusha uu ku hanan karo kursiga Villa Soomaaliya iyo sida waxqabadkiisa loogu aaminayo, isaga oo ay hadda u muuqato inuu taageero buuxda ka heli karo siyaasiyiin badan oo ku hungoobey iney talowadaag siyaasadeed la noqdaan madaxweynaha hadda xilka haya.
Puntland waa ineysan ka abaal dhicin Madaxweyne Deni oo difaaca masiirkooda ummaddeed iyo manfacooda siyaasadeed u taaagan, meelmarintoodana madaxda sare ee dalka kula dagaalsan, waxeyna danta Puntland maslaxadeedu ay ku jirtaa iney Madaxweyne Deni ay ku gacan siiyaan dadaalka uu ugu jiro sidii uu ugu guuleysan lahaa hanashada madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo tixraaceysa sida hadda ka horba ay sagootis taas la mida ay ugu sameeyeen Cabdullahi Yusuf (AUN), waxaana suurtogala haddii taas la waayo iney hubaal tahay in Madaxweyne Deni iyo Puntland ay isla saran yihiin gebi dheer dushiis oo ama ay soo wada dhacayaan oo fashilka burburka uu wada saameynayo ama ay wada guuleysanayaan oo ay wada noqonayaan iftiin dusha ka nuurisa rajada aayaha mustaqbalka shacabka Puntland iyo hiigsiga madaxweynahooda, waxeyna mida dambe ay marna faa’iido u tahay badqabka Puntland iyo xukunkeeda oo si nabada xilkeeda lagula kala wareego, marka kalana ay nasiib wanaagsan u tahay reer Puntland haddii uu guuleysto damaca madaxweynaha ee kursiga villa Soomaaliya.
Shacabka Puntland oo waxgaradkeedu dhexdhexaadka ka yahay xasaradaha u dhexeeya herdenka xisbiyada siyaasadeed ayaa waxaa looga baahan yahay iney horsed u noqdaan kaalintooda ay ka qaadanayaan dhexdhexaadin horusocodnimo si aysan u dhicin colaado burburisa jiritaanka Puntland oo aasaaskeeda laga soo maray dhib badan, lagana keenay meel aad u fog, taas oo ah nasiibdarro haddii ay burburkeeda ku timaado gacmaha siyaasiyiinta Puntland, waxaana suurtogala haddii aan laga hortegin masiibadaas in burburka ku yimada Puntland ay horseedeyso dagaal sokeeye oo ka dhex qarxa shacabka reer Puntland; dadka oo ay ka dhunto kalsoonida ay ku qabi karaan waxgaradkooda iyo ismaamulkooda dambe ee dowladnimo; shacabka oo noqda dowlad la’aan iyo maamulka oo noqda hogan la’aan; nolosha shacabka iyo amniga deegaanka oo halis ay soo foodsaarto; wadajirka dhulalka deegaanka iyo dadka ka kooban bulshooyinkooda kala duwan oo kala irdhooba; dano shisheeye oo saameyn tabn ku kala yeesha ururada isdiidan; ururada siyaasadeed oo gala go’doon macna tira aragtiyadooda siyaasadeed; isbaheysiyo lala galo cadowga gudaha iyo kan dibeda; Puntland oo dib ugu noqota dibucurashada dhowr gobolo oo iskood u kala madaxbanaan; kooxaha xagjiriinta oo ku soo xoogeysta degaanada Puntland; iyo si isxigxiga oo ay u dhacaan inqilaabyo ay sameeyaan maleeshiyaadyo ciidan oo isdaba socda oo midba midka kale lid ku yahay.
Madaxweyne Deni waa hogaamiyaha Puntland oo sida sharciga ah loo doortay, una dhaartay masuuliyada loo doortay oo ah Puntland inuu ka dhigo maamul dowladeed dimoqaradiya, sidaasna uu waajib uga saran yahay in dadku ay codkooda ku soo doortaan madaxda sare ee siyaasadda ku maamuleysa, waxeyna taas ay ka turjumeysaa in maamulka Puntland uu yeesho xisbiyo siyaasadeed oo si dimoqaradiya ugu tartama kuraasta siyaasadeed ee maamul goboleedka, waxeyna taas ay horseedeysaa in la helo hanaan sharciya oo awooda madaxtinimada si nabada lagula kala wareego, taas oo astaan u ah in madaxweynha xilka ka degaya lagu sagootiyo hab maamuus wanaagsan oo uu si heybad xasanaad leh u xilka uga dego, meesha madaxweynaha cusub uu xilkiisa kula wareegayo si Sharaf leh, taas oo dhaqan siyaasadeed wanaagsan u noqota dowladnimada Puntland iyo ku dhaqanka isku maamulida dimoqaraadiyada oo ay ka dhalaneyso habsami u socodka isxukunka bulshada rayidka.
Xukunka oo si nabada lagula kala wareego waxey astaan u tahay heerka ugu sareeya ee sareynta isku xukunka sharciga iyo hanaanka dowladnimada ku dhisan ku dhaqanka sareynta sharciga, taas oo ka turjumeysa sida loogu hogaansan yahay codka rabitaanka shacabka ay ku dooranayaan madaxda xukumeysa, iyo weliba dhaqanka suuban ee jiritaanka xisbiyada siyaasadeed oo midka guuleysta lagu wareejinayo awooda dowladda, waxaana dhaqankaas siyaasadeed oo ku dhisan xukun isku dhiibka nabadeed ka dhasha degenaansho siyaasadeed iyo saaxiibtinimo siyaasadeed oo ku dhisan niyadsamida ay kalgacaltooyo ku wada shaqeyn karaan siyaasiyiinta kala aragtida duwan iyagoon ka tanaasulin aragtiyadooda u gaarka ah, waxeyna taas u horseedeysaa siyaasiyiinta mucaaradka iney daacad u ahaadaan tilaabooyinka ay ku diidan yihiin habdhaqanka siyaasadeed ee ku saleysan maamulxumada madaxda dowladda, slamarkaasna ay si daacada ugu hogaansamaan awooda rasmiga ah ee madaxda dowladda.
Marka ay dhacdo in siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntlanad ay xushmeyn waayaan iney la yimaaadaan xal u keenista ay cid walba dhankeeda guul ugu heli ahayd, islamarkaasna loo heli lahaa in xukunka si nabada lagula kala wareego, ayaa waxaa suurtogal ah in madaxweynaha xilka haya uu qaado tilaabooyin uu iskiis ugu saxayo sida ay isaga ugu muuqato oo xal looga gaari karo ismaandhaafka ku saleysan xukun haynta maamulka dowlad goboleedka, waxaana suurto gala inuu adeegsado dhamaan awoodaha uu siinayo xilka uu hayo sida inuu isbedel ku sameeyo sharciyo uu fulintooda ku meelmariyo xaalad deg deg ah, kuwaas oo abuuri karata cabsi baahsan oo u muuqan karta aargoosi siyaasadeed oo lagu bartilmaameysanayo siyaasiyiinta hortaagan iney qabsoonto doorasho qof iyo coda ama suurtogelisa adeegsiga xeerar deg deg ah oo ogolaanaya in doorashooyinka loo qabto si aan caadi ahayn oo natiijadeeda uu ka dhasho diidmo, sidaasna ay weli suurtogal uga dhigeyso madaxweynaha xilkiisu dhamaaday inuu sii hayo xilka inta laga helayo xal la isku raacsan yahay.
Sida uu qabo sharciga u degsan dalka ayaa wuxuu farayaa in xilka madaxweynaha looga qaadi kara asbaabahan soo socda oo kala ah: dhimasho, hawlgab buuxda oo uusan xilka ku gudan karin, iscasilaad ku timid rabitaankiisa, xukun ka tuuris baarlamaan oo si sharciya xilka looga xayuubiyo, iyo doorasho xilka lagula tartamo oo si xaqa oo xalaala looga guuleysto, waxaana intaas ahayn oo ka dheeriya madaxweyne la doortay xilka loogama qaadi karo xataa haddii uu dhamaaday mudo xileedkiisu, marka ay sidaas dhacdana waxey taas weli isaga ka sii dhigeysa sii hayaha xilka madaxweynaha inta laga helayo madaxweyne si rasmiya xilka si sharciya ugala wareega, waxaana inta badan laga digaa iney taasi dhacdo oo waxyeelada ka dhalata ay tahay midaan si sahlan looga soo kaban karin, taas oo meesha ka saareysa karaamadii Puntland ay ku lahayd caalamka iyo horyaalnimadii ay dalka Soomaaliya ugu ahayd in iyada looga daydo horumarka sare oo ay ugu jirto iskumaamulida dimoqaradiyad casriya iyo wada noolaashaha ku dhisan nabad iyo amni la isku haleyn karo oo ka jira dhamaan deegaanada maamulkeeda.
Burburka ku yimaada Puntland waxey nefis iyo naruuro siyaasadeed ay u tahay derisxumada kala dhexeysa Somaliland oo ay fursad qaaliya ugu noqoneyso Somaliland sidii ay uga soo kaban lahayd qalalaasaha ka taagan xuduuda ay la wadaagto Puntland, waxeyna sidaas oo kale si la mida ay miciin siyaasadeed u noqoneysaa Galmudug oo rajo weyn ka qabta iney dib u hesho qeybaha ka maqan gobolka Mudug oo ay degmooyinkooda dib ula soo midoobaan Maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale dhici karta in kala firdhadka degmooyinka ay ka tirsan yihiin gobolada Puntlanad iney horseedo in Soomaaliya ay dib ugu noqoto ismaamulkii ku dhisnaa gobolada, taas oo meesha ka saareysa federaalnimada ku dhisan beenabuurka kadib marka ay Puntland horseedo iney u kala baxdo gobolada Nugaal iyo Bari, sidaasna ay isku qaadan waayaan Garawe iyo Bosaaso, sidaas si la midana ay ka dhex dhacdo iney isqaadan waayaan Gaalkacyo iyo Dhusamaree; Beledweyne iyo Jowhar; Baydhabo iyo Afgoye; iyo Kismaayo iyo Garbaharey, waxeyna taas ay dalka dib ugu soo celineysaa inuu dalku yeesho dowlad xooggan oo dhexe ee uu hogaaminayo madaxweyne awood badan oo dadku ay si toosa u soo doortaan.
Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland waxaa la gudboon ineysan meel dhow wax ka arkin oo ay garawsadaan waxyeelada halista weyn ee ku gadaaman in la sahalsado wax ka qabashada ismaandhaafka ka taagan marxaladda kala guurka siyaasadeed ee ka curatay tartanka doorashada xilka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, waxaana mudan iney tixgeliyaan iney si dhexdhexaadnimo leh ay awoodooda iyo xoogga dadaaladooda ay isugu geeyaan lahayeen sidii ay meesha uga saari lahayeen habarwacashada xisbiyada, adeegsiga wadaniyada beenabuurka ah ee awrkicska ku dhisan, musuqa lagu mariin habaabinayo hiilada maleeshiyaadka hubeysan, abuurista xasaradaha lagu kala jiidanayo degaanada oo dadka lagu kala qeybinayo, isbaheysiyada kmg ah oo abuurya xaaladaha deg dega, ka faa’ideysiga duruufaha fursadaha ka abuuraya xasaradaha xiliga kala guurka, iyo in la xaqiiqsado fahamka ah iney danta iyo maslaxada Puntland ay ku xiran tahay sida hab maamuus wanaagsan loogu sagootiyo Madaxweyne Deni isagoo huwan xasanaad iyo heybad sharafeed lagu abaalmariyo, waxeyna taas guusheedu ku imaneysa marka Madaxweyne Deni la siiyo mudo kororsiga ay heleen maaml goboleedyada kale oo ku eg November 2024, waxaana fiiro gaara mudan in marka la qabanayo doorasho in la ogaado iney u baahan tahay ugu yaraan 12 bilood.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com