Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadka Mareykanka ah ee lagu dilay weerarkii Xamaas oo sii kordhay

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Bliken ayaa lagu shaaciyay tirada dhimashada ee muwaadiniinta Mareykanka kadib weerarkii Xamaas ka geysatay dhulka ay xooga ku qabsatay Israel.

Blinken oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay Tel aviv ku wada qabteen isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin Mareykan ah oo gaaraya ilaa 25 ay ku geeriyoodeen weerarkan.

Xoghayaha ayaa sheegay in Mareykanku uu mar waliba diyaar u yahay garab istaagga Israa’iil.

Netanyahu ayaa mahadceliyay Blinken iyo Maraykanka labadaba “Biden wuxuu ku saxsanaa inuu Xamaas ku tilmaamay kuwo xun, waxaa loola dhaqmi doonaa sidii ISIS” ayuu yiri Netanyahu.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dhiniciisa carrabka ku dhuftay in Xamaas ay dooneyso in ay burburiso Israa’iil taasna ay suurageli doonin.

Related posts

Jabuuti oo xili dheeraad ah ku kordhisay xayiraada ka dhalatay COVID-19

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay ….

Cabdi Cade

Xamse Barre oo ka qeyb galaya Shir nuuciisa cusub yahay oo ka furmay Seoul (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---