Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Madaxa ATMIS iyo safiirada dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo..

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa kulan wadatashi ah la qaatey safiirada dalalka ay Ciidamada ka joogaan Muqdisho ee qaybta ka ah ATMIS.

Waxa ay ka wada hadleen waajibaadka ATMIS, sidii amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sida guusha leh ee loo soo gabagabeeyey dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah bishii June 2023.

Waxay sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen natiijada ka soo baxday Qiimaynta Farsamada Wadajirka ah ee u diyaargarowga bixitaanka 3,000 oo askari ka hor codsigii DFS iyo ogolaanshihii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo aheyd “hakinta farsamo” ee Wajiga 2aad ee dhimista 3,000 oo askari ATMIS ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay taageerada ay ATMIS siiso hawlgalka ay DFS hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la isla eegay shuruudaha iyo taageerada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay in si habsami leh uu u dhaco kala guurka.

Related posts

Muuse Biixi oo sidii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Tababar loo qabtay Guddiga qaban qaabada Dhismaha Gollaha Deegaanka Gaalkacyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ku baaqay in Xeryaha Milatari laga raro Dayniile (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---