Allbanaadir.com
NEWS

Isbitaalka Somali Sudanese oo Markii 4-aad noqday Isbitaalka ugu fiican dalka (Sawirro)

Isbitaal Takhasusiga ee Somali Sudanese ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay abaalmarinta isbtaalka ugu fiican ee dalka  kuyaalla markii afaraad (4raad)

Coddeeyn socotay muddo 2 bil ah oo aay Somali Bussiness Award ka aruurisay bulshada Somaliyeed laguna qiimeeynaayey isbitaalka ugu fiican, ayey bulshadu ugu aqoonsadeen isbitaalka Somali Sudanese Isbitaalka ugu weyn uguna fiican Isbitaalada gaarka loo leeyhay.

Wax yaabaha intii Codeeyntu socotay lagu qiimeynaayey Isbitaalada waxaa kamid ahaa

1.Tayada adeega Isbitaalka
2.Dhaqaatiirta iyo Takhasusaadka ka hoowl gala
3.Qalabka caafimaadka
4: Soo buuxinta Sharuucda Cafimaadka

Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka goobta caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka howlgalla gobolka Banaadir.

Munaasabadda abaal-gudka Somali Bussiness Award ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Africk, iyadoona lagu abaal mariyay dhamman qaybaha kala duwan ee ganacsiga Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Muqdisho oo oo xiray nin lagu eedeeyay in dhaqanxumo ka waday baraha bulshada

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo caro uga soo baxay shirkii Midowa Afrika, kuna soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Xildhibaan Shaaciyay sida Madaxweyne Farmaajo u fashiliyay Shirkii Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---