Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in sagaal ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay duqeymaha xagga cirka ah tan iyo markii ay billowday duqeynta Israa’iil ay ku hayso Qaza Sabtidii, iyadoo dhowr kalena la dilay Talaadadii shalay.
“Ilaalinta dadka rayidka ah ayaa muhiim ah, oo ay ku jiraan waqtiyada colaadaha,” ayay tiri Juliette Touma, agaasimaha isgaarsiinta ee hay’adda UNRWA.
“Waa in loo ilaaliyo si waafaqsan shuruucda dagaalka.” ayey intaas ku dartay.
Touma waxa uu sheegay in weeraradaasi lagu dilay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugnaa guryahooda oo ku yaala guud ahaan dhulka Gaza
Waxay sidoo kale sheegtay in 18 ka mid ah Iskuulada UNRWA oo isku bedelay gabbaad ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymahaasi
Sidoo kale waxaa la burburiyay bay tiri xarunteeda UNRWA ee magaalada Gaza, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Duqeymaha aan loo meel dayin ee Israel ka wado magaalada Gaza ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 1000 qof halka kumanaan kale lagu dhaawacay.
HOOS KA DAAWO XARUMAHA LA DUQEEYEY EE QM