Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Azhar Al-Shariif oo dalalka Islaamka ugu baaqay iney u midoobaan dagaalka Israel

Al-Azhar al-Shariif oo ah hay’adda diimeed ee ugu sareysa muslimiinta suniga ah ee caalamka  oo ayaa ku baaqday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo eedeymaha dambiyada dagaal ee Israa’iil u geysaneyso dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Gaza.

War qoraal ah oo adag hay’addan diimeed ka soo saartay  fadhigeeda magaalada  Qaahira ayaa ugu baaqday wadamada Carabta iyo Islaamka inay qaataan midaysan oo ka dhan ah weerarada Israel ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee aan waxba galabsan”

Waxa ay sheegtay in Israa’iil ay go’doomisay si bini’aadannimada ka baxsan gaza ayna ka jirtay korontada iyo biyaha, iyo cuntada ayna diiday in gargaarka bini’aadantinimo dhulka la mariyo, taasoo ay ku sifeysay xasuuq iyo dambi dagaal oo qaawan

Bayaanka ayaa ku booriyay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka in ay si deg deg ah u bixiyaan gargaar bini’aadantinimo ayna xaqiijiyaan bad qabka Falastiiniyiinta Gaza.

Al-Azhar waxa ay ugu baaqaysaa dawladaha Carabta iyo Muslimiinta in ay mowqif midaysan ka qaataan taageerada bini’aadantinimada ka baxsan ee reer galbeedku siinayaan maamulka Sahyuuniyadda.

“Habka Baahinta warbaahinta reer galbeedku u dhaqmayaan waa xagjirnimo iyo eex ka dhan ah Falastiiniyiinta. waxayna daaha ka rogtay baaqyada beenta ah ee xorriyadda ee ay reer galbeedku sheegtaan” ayaa lagu yiri bayaanka

Ka sokow, Al-Azhar waxay ugu baaqaysaa dawladaha Carabta iyo kuwa Muslimiinta inay mowqif dhab ah oo midaysan ka qaataan duruufaha ka baxsan bini’aadminimada ee reer galbeedka si ay u taageeraan Sahyuuniyadda ku xad-gudubka dhammaan xuquuqda Falastiiniyiinta aan waxba galabsan, iyo inay sameeyaan baaritaan caalami ah.

Al-Azhar waxa ay sidoo kale ugu baaqaysaa dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah in ay ka soo baxaan waajibaadkooda diineed iyo mid taariikheed, isla markaana ay bixiyaan gargaar bini’aadantinimo iyo gargaar degdeg ah, ayna xaqiijiyaan in si ammaan ah loo gaarsiiyo dadka reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in taageeridda rayidka Falastiiniyiinta ee aan waxba galabsan iyada oo loo marayo kanaalada rasmiga ah ay tahay waajib diimeed iyo sharci, iyo waajibaad damiir iyo bini’aadantinimo.

Al-Azhar waxay ka digtay in beegsiga rayidka, oo ay ku jiraan haweenka aan is difaaci karin, carruurta, iyo dadka da’da ah, duqeymaha isbitaallada, suuqyada, ambalaasyada, masaajidda, iyo iskuullada, oo ay dadka rayidka ah gabaad ka dhigtaan, ay tahay dembiyo dagaal oo cad.

“Dambiyada dagaal ee Israa’iil waxa kale oo ka mid ah go’doominta ay ku hayso marinka Qaza si ka baxsan bini’aadantinimada, adeegsiga hubka culus oo la mamnuucay sida uu qabo shuruucda caalamiga ah iyo anshaxa guud, jarista korontada iyo biyaha, iyo ka hortagga helitaanka sahayda cuntada iyo gargaarka bini’aadantinimo iyo gargaarka ee Marinka Gaza, gaar ahaan isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka. Waxaas oo dhami waa xasuuq muuqda iyo dembi dagaal marka loo eego macnaha ereyga. Sidoo kale waxay ceeb iyo ku tahay Sahyuuniyadda, taageerayaashooda iyo cid kasta oo daba taagan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Related posts

Faah Faahin :-Qaraxii maanta ka dhacay MUQDISHO & Khilaaf Magacaabista guddiga Doorashooyinka Galmudug !!

admin

Xukun adag oo lagu riday Ciidamo katirsan Milatariga oo aag dagaal kasoo baxay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 36 nin oo ajnabi ah (Sababta)

Caydiid Ali