Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Tubta hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo qabsoomay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarey horumarrada laga sameeyey arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhigay arrimo ay kamid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oo ku kala qeybsantay habraaca doorashooyinka ee dowladu soo saartay

Caydiid Ali

Afgembi ka dhacay dal kuyaalla Qaarada Afrika iyo Waddamo badan oo dhaleeceeyay Afgambigaasi

Cabdi Cade

Nin 45 sanno jir ah oo is dilay Kaddib markii xaaskiisa u diiday in ay u kariso Digaag !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---