Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo qabtay rag Al Shabaab ka iibsaday gaari iyo Qori Jubbaland laheyd (Sawirro)

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta kuso dhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo sagaalkii bishii koowaad ee sannadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah, oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47, kuwaas oo u dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay Al Shabaab uga iibsadaa.

Ragan ayaa la sheegay ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo in ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayen, iyadoo lagu sii ballamiyay in la siin doono lacag dhan 20,000$ .

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaarigii ay u geeynayay kooxda argagixisada , ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay ayaa waxaa isga gacanta ku haaya Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland.

Horay ayeey Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed u haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen Al Shabaab, kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay heestaan Al Shabaab ,balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay Al Shabaab iyo raggan khiyaanada qaran ku kacay.

Raggan ayaa markii ay Al Shabaab ka iibsadeen gaarigii iyo qorigii, waxay si qarsoodi ah ku tageen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si dhuumasho ah ugu noolaayeen, ciidanka qarsoon ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo dabagal ku hayey ayaa suurageliyey in gacanta lagu dhigo, iyadoo markaas kadib loo soo wareejiyey magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah faahino kasoo baxaya Gudoomiye Degmo oo Goordhaw Qarax lagu dilay

Cabdi Cade

Ururka haweenka gobolka Sh/dhexe oo labo garab u kala jabay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo si kulul uga hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---