Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug.
Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.
Waxa uu sheegay wasiirka in ciidankan muujiyeen geesinnimo dheeraad ah ayna casharo u dhigeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna ku booriyay ciidanka xoogga dalka in ay sii xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sidoo kale ciidankan xoogga dalka uu la hadlay isna ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda.
Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa guulo ka gaaray howlgalo ciidanka ka sameeyeen deegaanno katirsan gobolka Mudug oo horey gacanta Al Shabaab ugu jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com