Allbanaadir.com
NEWS

Xukun lagu riday Nin dilay adeerkiis hooyadiis horey u qabay iyo nin dilka la fuliyay

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu helay in dil bareer ah u geesteen nin oday ah , oo ay ugu tageen beer uu ku lahaa deegaanka No-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa mar kale maxkamadda sare ku riday xukun dil ah, kaddib markii ay racfaan ka qaateen xukunkii hore ay ugu riday maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada.

Maxkamadda ayaa ku heshay in Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed  bishii October 19-keedii u baxeen dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa beeraley lagu dilay deegaanka Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Labadan nin oo katirsanaa ciidamada xoogga dalka, ayaa marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah oo ugu jirtay akoon ugu xirnaa moobeelkiisa, waxa uuna lacagtan ku gatay beer uu lahaa.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka rag Al Shabaab ah uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay maxakamadda darajada koowaad ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir C/risaaq oo dhambaalo aan looga baranin u kala diray Boqoro Carbeed

Caydiid Ali

Rooble oo Warbixin siiyey Xassan Shiikh ka dib safarkii Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xoogaga Al-shabaab oo caawa qabsaday degmada Ceelwaaq & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---