Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiirka Amniga Puntland xilli xaalka ku xun yahay

Wareegto uu goordhaw soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayuu ku magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda amniga maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid wasiirka Amniga iyo DDRTA dowladda Puntland.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Deni ayaa u qordeed sida tan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir xasaasi ah oo ka furmaya Garoowe iyo Xiisada ka taagan doorashada Somalia oo..

Caydiid Ali

Kenya oo yeelatay Madaxweyne ku-xigeen cusub

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Miinooyin Al Shabaab ku aaseen Wadooyin oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---