Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Shacabka Falastiin ee ku dhimanaya Duqeymaha Israel oo sii korortay

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeymo arxan-darro ah waxa ay ka geesanayaan Marinka Gaza iyo deegaanno kale oo kuyaalla dhulka Falastiin, waxa ayna duqeymaha inta badan la beegsanayaan guryo shacab degan yihiin.

Ciidamada Israel ayaa duqeymo u muuqda aargoosi maalintii saddexaad ku wada Marinka Gaza, waxa ayna hub aad u cul culus ku garaacayaan xaafadaha magaalada Gaza,halkaas ay ku laayeen dad badan oo shacab ah.

Wasaaradda caafimaadka maamulka Falastiin ayaa war ay soo saareen ku sheegeen in ay kordheen dhimashada iyo dhaawacyada ka dhalanaya duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee Israel ka wado dhulka Falastiin.

Waxa ay sheegtay wasaarada caafimaadka Falastiin in tirada dhimashada shacabka ay hadda marayaan 950-qof, halka dhaawacyadana ay ka badan yihiin kumanaan qof, kuwaa oo xaaladooda lagula tacaalayo goobaha caafimaadka.

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel oo bilowday Sabtidii ayaa galaaftay nolosha dad ka badan labo kun oo qof, waxaana Israel weerarka looga dilay dad ka badan 1,200 qof, halka dhinaca Falastiin ay kun qof ku dhaw yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

R/W Khayre Oo la Kulmay Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin loo xiray inuu ka qeyb qaatay kufsi wadareed dhacay 22 Sano ka hor (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---