Dowladda Mareykanka ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay oon la ganban taageerada ay siineyso ciidamada Yahuuda Israel, kaddib weerarkii Xamaas ku qaadeen deegaanno Yahuuda xoog ku heystaan.
Diyaarad sida hub kala duwan oo dowladda Mareykanka ugu deeqday ciidamada Israel ayaa ka degtay saldhig ciidanka cirka Israel ku leeyihiin koofurta dalkaasi, waxaana hubkaan lagu caawinayaa ciidamada Xamaas dagaalka kula jira.
Hubkan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin nuucyo kala duwan ay ku jiraan kuwa duqeymaha loo adeegsado, waxa ayna Mareykanka ugu tala galeen ciidamada Israel in ay u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Xamaas.
Dhinaca kale Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa la filayaa in beri oo Khamiis ah gaaro dhulka Israel , waxa uuna masuulkan u muujin doonaa Israel taageero iyo garab istaag.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa sheegay in xoghaye Antony Blinken Israel feyn doono  farriin ka kooban midnimo iyo taageero, waxa uuna xusay in uu la kulmi doono madaxda Israel.
Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegay in Maraakiib dagaal iyo diyaarado dagaal u geyneyso Israel, si ay uga taageeraan dagaalka xooggan ay kula jiraan kooxda Xamaas ee maamusha Marinka Gaza.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com