Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Turkiga oo balan-qaad culus u sameeyey Maamulka SSC Khaatumo

Hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa booqasho shaqo ku tagay safaaradda Dalka Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa fulinta ayaa kulan la qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Dalkeena Mudane Amb. Ibrahim M. Yagli iyo hawl wadeeno ka tirsan Safaaradda.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamadii isdabajoogga ahaa ee Hoggaamiyuhu la qaadanayay Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Beesha Caalamka.

Kulanka waxaa lagaga wadahadlay sidii Dawladda Turkigu qayb uga noqon lahayd, dedaalada uu Hoggaamiyahu ugu jiro sidii mashaariic Horumarineed looga fulin lahaa deegaanada SSC-Khaatumo.

Safiirka ayaa ballanqaaday in ay deegaankaas soo gaadhsiin doonaan qaybo kamida mashaariicda horumarineed iyo gargaar ee ay dalka Soomaaliya ka fuliyaan sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka SSC

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey safiirka soo dhawayntiisa, sidoo kale na bogaadiyay doorka ay Dawladda Turkiga ku leedahay dib-u-dhiska dalka.

Related posts

Yaasiin Farey: “Ma jirto wax nagu kallifaya inaan xaaladda Roobow ka been sheegno”

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey weerar saaka aroortii Israel ku qaaday gudaha Iran

Caydiid Ali

Dadweyne careysan oo saaka dibed-bax ka dhigay degmada Ceelwaaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---