Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah al-shabaab ee ka socda dalka ayaa tagay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.
Waxaa ku wehliya safarkiisa Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada heer ee Dowladda.
Waxaa sidoo kale safarkaas qeyb ka ah ciidamo boqolaal askari gaaraya oo ka tirsan xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyiinta kala duwan oo ka tirsan labada heer ee Dowladda ayaa booqday magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo dhawaan al-shabaab laga xoreeyay.
Wafdiga Qoorqoor ayaa waxaa labada magaalo ku soo dhoweeyey qeybaha bulshada iyo waxgaradka ku sugan, iyagoo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada ee halkaas jooga.