Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo dhaleeceeyey go’doominta Israa’iil ku soo rogtay Gaza

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleeceeyay go’doominta Israa’iil ee Gaza isagoo sheegay in korontadda iyo biyaha la jarayo ay lid ku tahay xuquuqda aadanaha ee Falastiiniyiinta.

Hadalkan ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen hogaamiyaha Austria Karl Nehammer.

Erdogan wuxuu dhaleeceeyay qorshaha Mareykanka uu ugu dirayo markab diyaaradeed gobolka, isagoo sheegay in keenista ay horseedi karto “xasuuq” iyo in dagaalku uu weji kale yeesho.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa mar sii horreysay amar ku bixiyay in go’doomin dhameystiran” lagu sameeyo marinka Qaza, iyada oo laga jaray cunnada, shidaalka, korontada iyo biyaha.

Israel ayaa maamushaa hawada sare ee Qasa iyo xeebteeda, waxayna xaddiddaa cidda iyo badeecadaha la soo galinayo xuduudaheeda.

Related posts

Trump oo gaaray Magalada New York, xilli Maxkamadeyntiisu ka bilaabaneyso (Sawirro)

Caydiid Ali

Doorasho si weyn loo wada sugayo oo maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ciidamada DF iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay deegaano ku dhaw dhaw Aadan Yabaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---