Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shirkii Mucaaradka Puntland oo Magaalada Garowe ka furmay

Magaalada Garoowe waxaa ka furmay Shirweynaha Mucaaradka Puntland oo ay ka qeyb galayaan xubno fara badan oo ay hor boodayaan siyaasiyiin caan ah oo ka horjeeda Madaxweyne Deni iyo qorshihiisa la xiriira doorashooyinka.

Shirkaan oo soconaya muddo labo bari ah ayaa waxaa iskugu yimid Saamileyda Siyaasadda Puntland, qaar kamida xisbiyada Mucaaradka iyo qaybo ka mid ah Bulshada Puntland.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa in dalka looga samta bixiyo xaalada hubanti la’aanta ah ee uu galay, iyo sidii loo hirgelin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda sida ay sheegayaan xubnaha abaabulay

Xubnaha Mucaaradka Puntland ayaa la filaya in ay Shirka ka soo saaraan go’aan midaysan oo ku wajahan maaraynta hubanti la’aanta doorashada ee taagan, si aysan u sababin qalalaase.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyay Shirka ayaa baaq u diray dhammaan Isimada Puntland isagoo sheegay in in guud ahaan Isimada ay marjac u yihiin Go’aaminta Masiirka iyo Talada Puntland, aysana jirin Xukuumad baabi’in karta Awooddooda.

“Isimada dalka idinkaa halkan soo gaarsiiyay,  idinkaa Laf-dhabar u ahaa, idinkaa Marjac u ahaa. Awooddaas cid idinka qaadi kartaa ma jirto, Xukuumad kasta oo isku dayda” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Danjire Cawad ayaa sidoo kale Isimada xasuusiyay in Maanta Puntland u baahan tahay Taladii iyo Guddoonkoodii xikmadaysnaa, si looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo amni daro.

Gen. Asad Cusmaan Diyaano oo ka tirsan siyaasiyiintan sida weyn uga horjeeda Deni ayaa sheegay iney lama huraan tahay in doorashada Puntland lagu qabto xiligeeda, isagoo ku baaqay in Deni la soo qabto lana Maxkamadeeyo hadii uu diido inuu xiligeeda ku qabto doorashada.

Related posts

Abiy Ahmed oo ka hadlay heshiiska dowladiisu la gashay falaagada TPLF

Caydiid Ali

Diyaarad ku dhacday Xaafad iyo Khasaaro badan oo ka dhashay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq yaab leh u diray dagaalyahanada kooxda TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---