Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo Israel uga digay talaabo ay damacsan tahay, ka dib weerarkii Xamaas

Mareykanka ayaa Israel uga digay talaabo ay ku damacsan tahay iney weerar xaga dhulka ah ku qaado degaanka Gaza oo uu maamulo ururka Xamaas ee reer Falastiin.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka AP in duulaan noocaas ah oo Israel ay ku qaado Gaza ay ciidamada Yuhuuda kala kulmi karaan halis lama filaan ah.

Xamaas ayaa la sheegay iney xili hore dejisay qorshe dagaal oo lid ku ah ciidamada Yuhuuda hadii ay isku dayaan iney soo galaan gudaha magaalada Gaza.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa la sheegay iney diyaarsadeen khidad dagaal iyo hub u suuragelineya iney gubaan taangiyada oo ah hubka ugu badan ee ay isku haleynayaan ciidamada Israel.

Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in ciidamada Israel ay la kulmaan arrin lama filaan ah oo aan hadda xisaabta ugu jirin hadii ay galaan Gaza, si la mid ah weerarka lama filaan ah ee Xamaas ku qaaday gudaha Israel.

Dhinaca kale, Masar ayaa xirtay marinka laga gudbo ee Rafah sababo la xiriira duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysanayaan aaggaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Marinka Rafah waxaa uu isku xiraa Qaza ilaa Masar kaasoo ah dariiqa kaliya ee looga baxo dhulka go’doonsan ee Qaza.

Waxaa xusid mudan in inkasta oo isgoysku furnaa, haddana dadku waxay ku qasbanaadeen inay magacyadooda ku qortaan liiska si ay uga gudbaan.

Masar ayaa ku eedeysay Israa’iil inay kala dooran siinaso dadka Falastiin inay ku dhintaan duqaymaha ama ka baxaan Qaza.

Related posts

Dowlada Sudan oo Sabab Cajiib ah Internetka Saacado uga jareysa Moobeelka

Cabdi Cade

Britain oo ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Caydiid Ali

Maraykanka oo qaaday talaabo ka dhan ah weerarka Ruushku la damacsan yahay Ukrine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---