Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Suldaan Gasle “Masjidkii aan aasaasay ayaa waxaa ii taal warqad la leeyahay ma soo geli karo”(Video)

Khilaafkii u dhexeeyay Guddigii maamulka Markaz QUBA oo ku yaal Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland, ayaa mar kale soo shaac-baxay kaddib markii uu shalay shir jaraaíd ku qabtay  Amsterdam Sheekh Suldaan Gasle oo ahaa iimaam-kii & guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka.

Sheekh Suldaan oo ay garbihiisa fadhiyeen waxgarad Soomaali ah, ayaa sheegay  inuu quus ka joogo waanwaan loogu kala dabqaadayay isaga & xubnihii kale ee guddiga maamulka kala tirsanaa, wuxuuna xusay inuu dedaal kasta u sameeyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddada dheer kala dhexeeyay xubnaha kale ee Masjidka.

Khilaafkan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa

Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameysay  ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka  Sheekh Suldaan Gasle iyo 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija iyo Guuleed Weyrax], waxaanna marxaladaha ay soo martay ka mid aheyd in iimaam-kii masjidka ay masaajidka boolis si qasab ah kaga saareen, iyada oo tillaabadaasi ay si weyn kaga caroodeen waxgaradkii Soomaaliyeed ee la socday dedaalkii uu Sheekh Suldaan ka soo maray dacwadda islaamiga ah.

Shirkan jaraaíd ee uu shalay qabtay Sheekh Suldaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado dabayaaqada bishan in ay masjidka muxaadarooyin 3 cisho soconaya ku qabtaan culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Mustafa Haaruun.

“Waxaan maanta halkan u soo fadhiistay inaan ogeysiiyo Jaaliyada &  culimada lagu casuumay in ay yimaadaan mutamarka lagu iclaamiyay baraha bulshada inaan waxaan kala socda aysan jirin, anigoo sharciyadan ugu qoran sida ay maxkamadu xukuntay haddana waxaan goostay inta arrinta ay dhinac u dhaceyso anigoo xeerinaya maslaxda ay ummaddu ku qabaan masjidka”  Ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle.

Somali Nederland TV, iyada oo ilaalineysaa nidaamka dhexdhexaadnimada waxeey la xiriirtay mid ka mid ah ragga masaajidka ku haray ee ay is hayaan Sheekh Suldaan, wuuna ka cudurdaartay inuu wax jawaab ah ka bixiyo hadalka uu soo saaray Sheekh Suldaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE SHEEKH SULDAAN GASLE.

http://https://www.youtube.com/watch?v=__ii8wkkiAM

Related posts

Maxaa looga hadlayaa Wadahadalka Nairobi uga furmaya Somalia & Somaliland?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar u aaday Eritrea iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo digniin amni u dirtay Muwaadiniinteeda kunool Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---