Allbanaadir.com
NEWS

Putin: “Dagaalka Gaza wuxuu muujinayaa fashilka siyaasada Mareykanka ee Bariga dhexe

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadii ku tilmaamay dagaalkii ugu dambeeyay ee Israa’iil iyo Falastiin inuu yahay mid ka dhashay fashilka heysta siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Isagoo ka hadlayay bilawga wadahadalka uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mohammed Al-Sudani oo booqasho ku jooga ayuu Putin markii ugu horeysay kaga hadlay dagaalka Israel iyo Falastiin.

“Dad badan ayaa igu raaci doona in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.” ayuu yiri Putin

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu isku dayay inuu keli ku noqdo dejinta siyaasad guracan, laakiin si laga xumaado ma aysan dhibin inay raadiyaan tanaasulaadyo ay aqbali karaan labada dhinacba” ayuu intaas ku daray

Putin ayaa sheegay in Maraykanku uu ku guul daraystay inuu ku xisaabtamo danaha muhiimka ah ee dadka reer Falastiin,” isaga oo iska indhatiraya go’aannada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sheegayey abuuritaanka dawlad madax-bannaan oo Falastiin leedahay.

Dhinaca kale, Safiirka Ruushka ee Israa’iil ayaa sheegay in laba muwaadin oo Ruush ah lagu dilay dagaalkii u dambeeyay ee Israa’iil iyo Falastiin.

Danjire Anatoly Viktorov ma uusan magacaabin dhibanayaasha, isagoo hadal uu sii daayay Channel 1-ka ee dowladda Ruushka ku sheegay in safaaraddu aysan ka warqabin xaaladda dhimashadooda oo aysan wali la xiriirin qoysaskooda.

Viktorov wuxuu sheegay in afar kale oo muwaadiniin Ruush ah la la’yahay. Waxa uu sheegay in safaaraddu aysan haynin wax war ah oo xaqiijinaya sheegashada Xamaas ee ah in dhowr qof oo Ruush ah ay ku jiraan la haystayaashii ay qafaashay.

Related posts

Nin si toos ah bar bulsho uga baahinayay dil uu u geesanayay Xaaskiisa hore iyo dad kale

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Dhagax-dhigay Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo eedeeyey Farmaajo, kana hadlay xanibaadii Shiikh Shariif & Xasan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---