Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo Taageero iyo garab istaag u muujiyay Shacabka Falastiin ee lagu duulay

Ciidamada Israel ayaa duqeymo culus ku garaacaya Marinka Gaza iyo deegaanno kale oo katirsan dhulka Falastiin, waxa ayna laayeen dad badan oo shacab ah ay ku jiraan carruur, haween iyo dad da’ ah.

Waddamada reer Galbeedka ayaa inta badan taageero iyo garab istaag u muujiyay maamulka Israel, waxa ayna dowladahaasi iska indhatireen dadka shacabka ay leenayaan diyaaradaha dagaalka Israel.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero balaaran u muujisay shacabka Falastiin ee lagu duulay, waxa ayna Sacuudiga ballan-qaadeen in ay ka shaqeenayaan xal u helida colaada dhiigga badan ku daadanayo.

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo telfoon kula xiriiray Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas , ayuu u sheegay in uu garab taagan yahay dadka reer Falastiin kana shaqeenayo helida nabad iyo xaquuqdooda aasaasiga ah.

Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale u sheegay Maxamuud Cabaas in uu dhinacyada caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba kala shaqayn doono si usan dagaalku u faafin , loona heli lahaa xabbad-joojin iyo nabad.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha taageera jiritaanka Falastiin, waxaana duullaanka hadda lagu qaaday Shacabka Falastiin taageeraya dowlado badan oo reer Galbeed ah oo Israel taageero u muujinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Shaaciyay in ansixinta Dastuurka meesha ka saareyso Musharaxiintii Shisheeyaha wateen

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo War kulul ka soo saartay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Maxaa ka soo kordhay shirkii Farmaajo iyo Rooble? (Qodob la isku mari waayey)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---