Hogaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa hadlay dagaalka maalintii afaraad ka socda dhulka Yahuuda xoogga ku heysato, waxa uuna garab istaag u muujiyay ciidamada gobannimo doonka ee Xamaas.
Ayatollah Ali Khamenei ayaa sidoo kale beeniyay waxba kama jiraana ku tilmaamay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah, in Iiraan ay ku lug lahayd weerarkii ay Xamaas Sabtidii ku qaadeen deegaanno ay maamusho Israel.
Hogaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay weerarka Xamaas geesatay, waxaana laga soo xigtay in uu gacanta ka dhunkan lahaa kuwii qorsheeyay weerarkii lagu qaaday Israel.
Ayatollah Ali ayaa sheegay, in Israel ay leedahay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxa uuna ku eedeeyay Israel in tacadiyo iyo dhibaatooyin kalaba ku hayaan shacabka xaq u dirirka ee Falastiin.
Dalka Iran ayaa lagu eedeeyaa in ay taageero iyo garab istaag u muujiyaan kooxda hubeysan ee Xamaas, waxa ayna madaxda dowladda Iran marar badan beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com