Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay magacyada masuuliyiin horey dowladda xilal uga hayay, kuwaa oo horey usii qaatay gaadiidkii dowladda siisay.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa lagu soo bandhigay magacyada 18 masuul hore, kuwaa oon dowladda kusoo celin gaadiidkii la siiyay intii xilalka hayeen.
” Xafiiska Hantidhowraha oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta halkan hoose ku xusan in ay si dhaqsi ah u celiyaan gaadiidka dowladda ee kujira gacantooda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha.