Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ugu baaqday Somaliland in ciidankeeda Deg deg uga saarto magaalada… …

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka ay dariska yihiin ee Somaliland in ay fad-qalalooyin ay iskaga horkeenayaan bulshada degan ka wadaan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayuu ku eedeeyay maamulka Somaliland in ciidamo geeyeen magaalada Ceerigaabo ayna halkaasi ka wadaan iska horkeenid bulshada ah.

”Maalmihii u dambeeyey waxaan si dhow ula soconay in Maamulka Soomaaliland uu dhibaato iyo fad-qalalooyin uu iskaga horkeenayo bulshada degan magaalada Ceerigaabo uu halkaasi ka waday” ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaana ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si deg deg ah ugala baxaan ciidankooda magaalada Ceerigaabo, waxa uuna ugu hanjabay Somaliland haddii aysan ciidankooda la bixin la kulmi doonaan wax aysan mahdin.

”Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan, hadiise ay dhegaha ka furaystaan, waxay la kulmi doonaan waxaysan mahadin doonin, masuuliyadeedana iyagaa qaadi doona” ayuu yiri Axmed Karaash.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa imaanaya, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada maamulka Somaliland ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan deegaanno katirsan gobolka Sanaag, iyaga oo mar kale doonaya in Sool ku duulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Muxuu Madaxweyne Farmaajo u sheegay arday uu iskuulka ku booqday?

Caydiid Ali

Xog Cusub: Doorashada Somalia ee 2020/2021 oo mabda ahaan heshiis laga gaarey ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo shaaca ka qaaday in uu tagi waayay Gurigiisa Muqdisho kana hadlay …

Cabdi Cade