Allbanaadir.com
NEWS

Qorshe Kenya ciidamo ugu diri laheyd dal ay rabshado ka jiraan oo culees soo wajahay

Dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa in ciidamo booliis oo nabad ilaalin ah u dirto dalka rabshadaha hareeyeen ee Haiti, waxaana Kenya qorshahan ciidamada ku direyso ka taageeraya dalal Mareykanka ku jiro.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawwaan meel mariyay in dowladda Kenya ay hagaamiso hawlgalka caalamiga ah ee ciidamada booliska loogu diro dalka burcada hubeysan dhibaatada ku hayaan ee Haiti.

Qorshaha Kenya ay ciidamada ugu diri laheyd dalka Haiti ayaa hadda waxaa soo wajahay caqabado dhowr ah, waxaana horey uga soo horjeestay ciidanka la dirayo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana hadda soo faragalisay maxkamadda sare ee dalkaasi.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday go’aan ay si ku-meel gaar ah ugu hakisay tallaabadii ay xukuumadda William Ruto ay ku doonaysay inay ciidamo boolis ah ugu dirto dalka Haiti.

Maxkamadda ayaa ku go’aanka ay soo saartay ku tilmaantay in qorshaha xukuumadda uu yahay mid dastuurka dalka baal marsan, waxa ayna hakisay maxkamadda qorshihii ciidankaasi lagu diri lahaa.

Dowladda Kenya ayaana qorsheeneysay in bisha Janaayo ee sannadka 2024-ta hoggaamiso howlgalka nabad ilaalinta ee dalka Haiti, lamana oga go’aanka maxkamadda waxa uu ka bedeli doono qorshaha Kenya ciidankan ku direyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii maanta ka dhacday Afisiyooni

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Dhagaxbuur

Caydiid Ali

Dowlada Iran oo qaaday talaabo yareyn karta dibed baxyada looga soo horjeedo dowlada

Caydiid Ali