Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo goor dhow soo saartay War naxdin & argagax ku noqday Israel

Afhayeenka Guutooyinka Al-Qasaam oo ah garabka hubeysan ee Xamaas Abuu Cubeyda oo Al-Jazeera la hadlay ayaa fariin argagax leh u diray Israel.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in mar kasta oo Israel ay sii wado leynta shacabka Falastiin ay iyana dili doonaan qaar ka mid ah dadka yuhuuda ah ee ay hayaan.

“Israel way joojin waysay laynta shacabka Falastiin anagana waxaan kula hadli doonaa luuqad ay fahmi doonaan taasoo ah mar walba oo ay dilaan qof Falastiini ah anagana waxaan dili doonaa mid Yahuud ah” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in dagaalka ay ku qaadeen uusan joogsan doonin ilaa ay yuhuuda ay ka baxdo dhulkooda ama ay ay xoog uga saaraan.

“Yahuuda ma yaqaanaan mana fahmayaan luuqada insaaniyada iyo akhlaaqda, waxaana kula hadli doonaa luuqada kaliya ee ay fahmi karaan oo ah xabada” ayuu yiri afhayeenka.

“Wixii musiibo ee haatan kadib dhaco waxaa eedeeda qaadi doonto Israel kubadana haatan dhankooda ayay jirtaa”.ayuu intaas ku daray Abuu Cubeyda.

 

Related posts

Erdogan oo xariga ka jaray Isbitaalka 3aad ee ugu weyn dunida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo ay wehliyaan Mahdi Guuleed iyo Odawaa oo lug ku tagay Xafiiskiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo mamnuucaysa dawooyin loo isticmaalo Maandooriyaha

Cabdi Cade