Masar ayaa sheegtay iney uga digtey saraakiisha Israa’iil in Xamaas ay qorshaynayso weerar wayn ka hor inta aysan kooxda Falastiiniyiinta ah weerar ku qaadin Israel maalmo ka hor
Ilo sirdoon oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press in digniintaas ay iska dhega tireen sirdoonka Israel.
Saraakiil ka tirsan sirdoonka Masar ayaa sheegay in inkastoo digniinta ah in dhibaato karsamaysa Gaza ka soo socoto, haddana saraakiisha Israa’iil taa beddelkeeda ay diiradda saareen Daanta Galbeed, maadaama inta badan taageerayaasha Ra’iisul Wasaare Netanyahu ee deggan Daanta Galbeed ay dalbadeen in howlgal dhanka ammaanka ah oo laga sameeyo goobtaas.
“Waxaan uga digney in xaalad adag kaga soo socoto Gaza, isla markaana ay aad u dhow dahay, ayna noqon doonto mid wayn. Laakiin way dhayalsadeen digniinaha noocaas ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Masar
Dowlada Masar oo ah dowladii ugu horeysay Carabta ee xiriir dibloomaasi la yeelata Israel ayaa inta badan sheegi jirtay inay dhexdhexaadiye u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.