Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo kormeeray ciidamada DF ee lagu tababarayo Eritreya (Sawirro)

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo  Madaxweynaha dalka Eritreya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Xassan oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen

Madaxweynaha ayaa faray inay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo Al-shabaab.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Eritreya ayaa kumanaan askari u tababartay Soomaaliya, kuwaasoo haatan ka qeyb qaadanaya dagaalka DF kula jirto Al-shabaab, halka ciidamo kalena uu weli tababar uga socdo dalkaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wariye Caan ahaa oo isku bedelay Darbi jiif xaaladu xumeesay oo codsi soo diray

Cabdi Cade

Dowlada oo faah faahisay khaladaadka uu galay iyo sababta dalka looga eryay Nicholas Haysom 

Cabdi Cade

Dowlad Kaamirooyin ku xirtay Goobaha bulshada si loo ogaado Haweenka aan xijaabka xiran

Cabdi Cade