Musharaxa Xassan Shire Abgaal oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu tunka weyn mucaaradka Madaxweyne Deni ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland halkaasoo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey.
Dadweyne kumanaan gaaraya oo tubnaa hareeraha wadooyinka ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweyntiisa kuwaasoo watay sawirada Xassan Shire Abgaal.
Musharax Xasan Shire Abgaal oo si adag uga hadlay xaaladaha siyaasadeed, amniga iyo dhaqaale ee Puntland.
“Madaxweyne Deniyoow waxaad karaamo ku leedahay waqtiga kuu haray, waxaa jiri doonta maalin aan waxba lagu waydiin doonin, doorashadii aad waday waxay ku soo aruurtay in Boosaaso laba Mayor yeelatay, sharcigga kusoo noqo” ayuu yiri Xassan Shire oo maamulkii Deni ku eedeeyey inuu ka leexday hogaankii dowladnimada.
Siyaasiga ayaa sheegay in Maamulka Saciid Deni uu ku fashilmay inuu bixiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada muddo dhowr bilood ah taasoo uu sheegay iney noqotay caqabad heysata amniga iyo horumarka Puntland, isagoo xusay Deni uu ku mashquulay doorasho sharci daro ah.
Xassan shire Abgaal ayaa la qeyb galaya Shirka siyaasiyiinta mucaraadka ah iyo qaar kamid ah ururada siyaasadda ee mucaaradka ah oo maalinta bari ka furmaaya magaalada Garoowe.