Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalalka caalamka qaarkood oo bilaabay iney dadkooda ka daad gureeyaan Israel

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa bilaabay iney dadkooda ka saaraan Israel ka dib weerarka lama filaanka ah ee Xamaas ka soo qaaday magaalada Gaza, kuna gashay Israel.

Ugu yaraan 1000 Isra’iliyiin ah ayaa lagu dilay weerarkaa, iyadoo weeraro aargudasho ah oo ay qaadeen ciidamada Yuhuuda lagu laaley dad u badan shacab falastiiniyiin ah oo ka badan 500.

Khalkhal xoogan ayaa ka jira garoonka dayuuradaha Tel aviv halkaasoo ay buux dhaafiyeen boqolaal oo ka cararaya colaada kuwaasoo iskugu jira Israiliyiin iyo dad ajnabi ah oo dalkaas ku sugnaa.

Garoonka Tel Aviv ayaa mar xirmay ka dib markii ay agagaarkiisa ku soo dhaceen madaafiic ay soo riday, waxaana gaabis noqday shaqadiisa ka dib markii la joojiyey duulimaadyo caalami ah oo halkaas ku tegi lahaa saacadihii la soo dhaafay.

Diyaarad ka soo duushay Tel Aviv kuna socotay Seerbiya ayaa maanta gaartay dalkaas, waxaana safaaradda Serbia ay sheegtay in duulimaad kale oo dad lagu soo qaadayo la qorsheeyay.

Romania, Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in boqollaal qof laga soo daad gureynayo gudaha Israel.

Thailand ayaa Iyana sheegtay inay diyaarineyso gargaar degdeg ah oo loo fidiyo dadka ka jooga Israel si halkaa looga soo badbaadiyo.

Kazakhstan ayaa sidoo kale isu diyaarineysa in ay soo daabusho muwaadiniinteeda halkaas ka jooga, sida ay sheegtay Wasaaraddeeda arrimaha dibadda.

Poland ayaa iyana xaqiijisay in diyaaradii ugu horeysay ee ka timid Israel ay dib ugu soo laabatay dalkeeda, iyadoo ay saarnaayeen dad rayid ah.

Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka iyo caalaka kale ayaa iyana wada dedaalo lagu soo badbaadinayo muwaadiniintooda ku sugan Israel ka dib weerarkii Xamaas.

Related posts

Maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Hargeysa oo si qurux badan looga xusay munaasabada 26-ka Juun (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

Caydiid Ali