Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay PirkkaTapiola (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.

Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Geelle oo la dhigay Isbitaal ku yaalla France

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :- Maxay aheyd faaxishadii sababtay in la halaago Qoomkii loo diray Nebi Luud CS?

admin

Xiisad ka taagan dhulkii dab demiska & Booliska Somalia oo digniin soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---