Allbanaadir.com
NEWS

Ilhan Cumar oo si kulul u Cambaareesay Weerarka Xamaas ku qaaday Israel

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay kana tirsan Aqalka Koongareesa dalka Marekanka Ilhaam Cumar ayaa si kulul u cambaareysay weerarka kooxda Xamaas Sabtidii ku qaaday dhulka xooga ku heesato Israel.

Ilhan CumarĀ  ayaa qoraal ay soo saartay weerarka Xamaas ku tilmaamtay wax laga argagaxo, iyada ku eedeysay Xamaas in ay laayeen dadka aan hubeysneyn, sidoo kaleĀ  afduub u geesteen dad shacab ah iyo askar.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa ugu baaqday Xamaas iyo Israel in ay dejiyaan xaaladda kana shaqeeyaanĀ  xabad-joojin, waxa ayna shaacisay in ay sii wadi doonto deadaalada ay nabadda ugu raadineyso bariga dhaxe.

Hadalka Ilhan Cumar kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel ayaa u muuqda mid dhinac u janjeera, waxaana xildhibaanadan horey loogu eedeeyay in ay neceb tahay Israel ayna u jan jeerto dhinaca Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Netanyahu aqlabalay heshiis xabad joojin ah?

Caydiid Ali

Booliiska Sacuudiga oo Talaabo ka qaaday Muwaadin Xajka geeyay nin aan Muslim aheyn

Cabdi Cade

Musharaxiin iyo Siyaasiyiin lacag ku taageeraya Kooxda Ahlu Sunna ee Duulaanka ku ah Galmudug !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---