Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in maraakiib badan oo uu ugu muhiimsan yahay markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka lagu jiheeyay bariga Mediterranean-ka. Hawlgalintan waxa kale oo ka mid ah maraakiibta qaada gantaalaha la hagayo iyo kuwa wax burburiya.
Austin waxa uu sheegay in falkani “uu muujinayo taageerada birta ah ee Maraykanku u fidinayo ciidamada difaaca Israa’iil iyo dadka Israa’iil”
Milateriga Mareykanka ayaa daabulaya maraakiibta badda iyo diyaaradaha dagaalka si “ay u xoojiyaan dadaallada looga hortagayo xasaradaha gobolka” iyadoo ay socdaan dagaallada ka socda Israa’iil, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Pentagon-ka.
Intaa waxaa dheer, ciidamada Cirka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa la kordhinayaa. “Maraykanku waxa uu sii xoojinayaa joogitaankiisa awoodeed ee calamka si uu uga hortago xasaradaha haddii loo baahdo,” ayuu Austin ku daray.
Agab dheeri ah oo ay ku jiraan saanad milatari ayaa sidoo kale loo diraya Israa’iil, iyadoo gargaarka ugu horreeya ee dhinaca ammaanka la filayo inuu yimaado maalmaha soo socda.
Dhinaca kale, Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa warbixintii u dambeysay ku sheegtay in 413 qof ay dhinteen, 2,300 oo kalena ay dhaawacmeen, ka dib duqeymo aargoosi ah oo ka yimid Israa’iil.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee rasmiga ah ee aan ku hayno tirada Israa’iiliyiinta ee la dilay ayaa ah ilaa 600 oo qof – inkastoo ay jiraan warbixino intaas ka badan sheegaya.