Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Xassan Shiikh iyo Wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya ayaa gaaray magaalada Asmara.

Waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Asmara ku soo dhoweeyey Madaxweyne Isias afewerk iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowkada Erireya.

Labada hogaamiye ayaa kulan gaar ah ku yeeshay aqalka madaxtooyada magaalada Asmara kaasoo looga hadlay xaalada gobolka Geeska Afrika, Nabada iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Eritreya ayaa kumanaan askari u tababartay Soomaaliya, kuwaasoo haatan ka qeyb qaadanaya dagaalka DF kula jirto Al-shabaab, halka ciidamo kalena uu weli tababar uga socdo dalkaas.

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Xaalad walwal ah oo lasoo darsay xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Cusmaan Aw-Max’uud Buurmadow (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---