Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Somalia waxaa hadda gaarista Midnimada uga muhiimsan Helida Nabadda”

Soomaaliya dhulalkeedu wuxuu ka koobnaa shan waaxood oo waaweyn, welina waxaa loogu jiraa baadigoobka la isugu keeni lahaa, taas oo ka turjumaya inaan weli lahayn aragtida lagu mideyn lahaa shanta Soomaaliyeed oo hesha midnimada wadajirkooda, waxeyna taas soomaalida dhaxalsiisay iney caalamka ka noqoto madi aan walaal lahayn iyo weliba cadow deris la ah.

Jamhuriyadda Soomaaliya oo ka kooban midowga gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed ayaa waxaa kala furtay xiriirka midnimada wadajirkooda kadib markii ay dhacday xaalad ka soo bilaabatay amnidaro balse markii dambe ku soo dhamaatay iney isku rogto goosasha aan dhiig ku daadan oo aan lahayn aqoonsi sharciyadeed oo ay ka haysato gudaha Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

Koofurta Soomaaliya waxaa soo foodsaartay iney kala doorato labo kala daran midkood, kuwaas oo kala ahaa ama iney xooggeeda isugu geyso dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida amniga gobolada koofureed ama iney awoodeeda muruq iyo maskaxba ay isugu geyso dagaal iney u gasho isku haynta midnimada dalka iyo dib u soo celinta gobolada waqooyi oo ka falaagoobey.

Adeegsiga caqliga wanaagsan iyo danyarida awooda Soomaaliya oo ay ku soo koobantay gobolada koofureed oo aan intooda badan aan gacanta ugu jirin ayaa kalifay in midnimada meelmarinteeda laga hormariyo hirgelinta lagu sugyo amniga iyo xasiloonida goboladda koofureed oo u baahan in laga dulqaado sharta xagjiriinta diidan nabada iyo dowladnimada.

Goboladda waqooyi waxey dhisteen maamul dowladeed la magac baxay Somaliland, kaas oo deegaan ahaana ka kooban labadii gobol ee kala ahaa Togdheer iyo Waqooyi Galbeed oo sameysmay curashadii Jamhuriyadda Soomaaliya kadib, waxeyna goboladaas ay ahaayeen kuwo ka soo jeeda xuduudaha guud ahaan dhulka waqooyiga Soomaalida uu gumeysanayey Ingriiska.

Laascaanood ayaa si ku dhisan dagaal dhiig badan uu ku daatay ayaa waxey ku dhawaaqday iney ka soo go’day maamulka Somaliland, islamarkaasna ay dooneyso iney la midowdo gobolada koofureed oo ay hadda kulmisay iney wada wadaagan amnidaro mid walba si gaara u heysata, sidaasna ay bedelka midnimda ku dooneyso in looga difaaco maamulka Somaliland.

Waxaan maangal noqon karin in degmada Laascaanood oo khilaaf dagaal uga timid waqooyiga iney koofurta ula timaado sidii ay ugu qancin lahayd in bedelka midnimadeeda looga doorsado nabad ku wada noolaashaha iyo xasiloonida amniga ka jirta Somaliland oo Soomaali badan oo ka kala timid gobolada koofurta Soomaaliya ay nabad, nolol, iyo negaadin ku haystaan.

Nabadda oo laga wada shaqeeyo ayaa waxey horseedeysaa in khilaafka ku saleysan colaada meesha laga wada saaro, taas ayaana sidoo kale horseedeysa midnimo iyo wadajir ummaddeed kadib marka laga guuleysto xalka iyo xaqa lagu raadinayo dagaal dhiig badan lagu daadiyo, adeegsi ku dhisan cudud ciidan, iyo kibir wata islaweyni horseedaya daandaansiyo xoogg ku saleysan.

Nabadda waxaa looga wada shaqeyn karaa iyadoo dhinacyada ishaya ay u marayaan wadahadal, dhexdhexaadin, iyo adeegsiga diblomaasiyadda ku dhisan istixgelinta iyo weliba sidii maslaxadaha labada dhinac la isugu keeni lahaa meel dhexe oo ay ku wada guuleysan lahayeen, waxeyna taas meesha ka saareysa dhaqanka dilaaga ah ee loogu goodinayo darwiishnimada.

Khilaafka Laascaanood waa mid u baahan xal aan dagaal salka ku hayn oo la tilaabsan kara dimoqaraadiyada ka jirta Somaliland oo waajib madaxdooda uga dhigaysa meelmarinta xasilinta nabada iyo degenaanshaha xuduudaheeda, taas oo saameyn xooggan ku leh badqabka guud ee jawiga siyaasadda dalkeeda iyo sugida nabad ku wada noolaashaha shacabkeeda.

Marka uu dal leeyahay xuduudo amniya oo xasiloon, ayey shacabkiisu ku wada noolaan karaan jawi leh isku dulqaadasho iyo dimoqaraadiyad horumar leh, balse marka ay taas meesha ka maqan tahay ayaa waxey inta badan horseedaa dagaalada u dhexeeya deriska oo ay ka dhalato naceyb, burbur, iyo dhimasho dad badan nolosha dhaafsiisa, waxeyna taas ay labada dhinac dhaxalsiisaa dhaqan kelitalisnimo oo macnotiraya ku noolaanshaha dhaqanka dimoqaraadiyada.

Somaliland waa iney midnimadeeda ku soo ceshetaa xal nabadeed oo aan ku dhisnayn cabsigelin, ayna ku raadisaa xalka qaab aan ku dhisnayn xoog, islamarkaasna ay xal u hesho cabashooyinka ku saleysan cadaaladdarrida iyo ku xadgudubka xuquuqaha iyo xoriyadaha dadka, iyo sinaan la’aanta, kuwaas oo waxyeeleysa sugida degenaanshaha siyaasadeed ee dalka.

Madaxada sare ee dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon ineysan wax garaba ku siin jabhada Laascaanood dagaalka xaqdarrada ah oo ay kula jirto maamulka Somaliland, waxaana looga baahan yahay iney qaataan doorka uga aadan oo ah iney ku qanciyaan jabhadda iney dowladda Somaliland la furto wada hadal nabadeed oo ku dhisan iskaashi, wada shaqeyn, iyo in meel dhexe la isugu wada yimaado.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

 

Related posts

(Sawirro) RW Ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galaya shir caalami ah oo ka furmay Aswan

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweyne Erdogan (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Puntland oo War ka soo saartay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland

Caydiid Ali