Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Hogaamiyaha SSC oo kulamo kala duwan ka wada Magaalada Muqdisho

Hoggaamiyaha maamulka SSC oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada JFS, Marwo Fardawsa Cismaan Cigaal, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dr. Axmed Jaamac, iyo Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan.

Kulanka ayaa ku saabsanaa iska xog waraysi xaaladda Garoomada Diyaaradaha ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo sidii  Dawladdu uga qayb qaadan lahayd dib u dhiska iyo joogtaynta duulimaadyada rayidka ah.

Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay horumarinta guud ahaan deegaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa ka mahadceliyey sida Dawladda Federaalku ahmiyad weyn u siisanayso wax ka qabashada Deegaannada SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa hoygiisa ku qaabilay Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii Dawladda Federaalka gacan uga gaysan lahayd xoojinta Amniga gudaha iyo tayaynta Booliska Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka waxaa Hoggaamiyaha ku weheliyey Xoghayaha Amniga Maamulka SSC-Khaatumo mudane, Maxamuud Yuusuf Xasan iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Cabdi-Sahal Jaamac Maxamed, iyagoona ka warbixiyay arrimaha hortebinta u leh Xafiisyadooda.

Dhanka kale, Masuuliyiinta DFS ayaa kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda JFS, Dr. Maaxamed Sheekh Cali “Doodisho”,  Taliyaha Booliska Soomaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yusuf Cali Maxamed. Masuuliyiintan ayaa Hoggaamiye Cabdiqaadir u sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen amniga gudaha iyo gaar ahaan tayaynta Booliska.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintan booqashadooda, isagoona ugu baaqay in ay is-kaashadaan hay’addaha DFS iyo Maamulka SSC-Khaatumo.

Related posts

Ciidamada Danab oo hoygiisa ku dilay nabadoon caan ah, Meydkiisana horey u qaatay

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo qabtay soona bandhigay Shan nin oo dilal kala duwan geestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dabley la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---