Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milarteriga Israel oo duqeyn aan kala sooc laheyn ka geysanaya Magaalada Gaza (Sawirro)

Israa’iil ayaa maanta mar kale garaacday magaalada Gaza ka dib markii ay la kulantay weerarkii ugu dhiigga badnaa tobanaan sano, markii dagaalyahannada Xamaas ay weeraro ku qaadeen magaalooyinka Israa’iil kuna dileen 600 oo qof, ayna afduubeen daraasiin kale.

Duqaymaha cirka ee Israa’iil ayaa lagu garaacay guryo, godad, masaajido iyo guryo ay degganaayeen saraakiisha Xamaas ee Gaza, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 370 qof, oo ay ku jiraan 20 carruur ah, iyadoo Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray aargudasho xooggan.

Waxaa jira Astaamo muujinaya in iskahorimaadku uu ku fidi karo meelo ka baxsan Gaza oo ay go’doomisay, iyadoo Israa’iil iyo maleeshiyaadka Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ay isweydaarsadeen madaafiic iyo gantaallo, halka magaalada Alexandria, laba dalxiisayaal Israa’iili ah lagu toogtay.

Koonfurta Israa’iil, rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan ayaa weli la dagaallamaya ciidammada ammaanka Israa’iil 24 saacadood ka dib markii ay lama filaan ku noqotay, weerarro dhinacyo badan leh, iyadoo kooxo dablay ah ay xoog ku qabsadeen saldhigyada ciidammada.

Milatariga Israa’iil oo wajahaya su’aalo la xiriira guul-darradii ka soo gaartay weerarkaas, ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen inta badan goobihii ay ka soo geli jireen ee ku teedsanaa xayndaabyada amniga, ayna dileen boqolaal ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday, ayna qabteen tobanaan kale oo maxaabiis ah.

“Waxaan si ba’an u weerari doonnaa Xamaas, tanina waxay noqon doontaa mid ay shalaayi doonaan” ayuu yiri afhayeen u hadlay milateriga Israa’iil.

Milateriga ayaa sheegay in tobanaan kun oo askari ay geeyeen agagaarka Qaza oo ah meel ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo falastiiniyiin ah, waxayna bilaabeen inay daad gureeyaan dhammaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool agagaarka xuduudka dhulkaas.

Weerarka ay Xamaas bilowday subaxnimadii sabtida ayaa ka dhigan duulaankii ugu weynaa uguna dhimashada badnaa ee lagu qaado Israa’iil tan iyo markii Masar iyo Suuriya ay bilaabeen weerar kedis ah oo ay ku doonayaan inay ku soo ceshadaan dhulkii ka lumay dagaalkii Yom Kippur 50 sano ka hor.

 

Related posts

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga oo galay Godadkii Al Shabaab kaga jireen Ciid Ciidka (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogatay Sahal Axmed Rafle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---