Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo u dhoofay Talyaaniga kaddib casuumad uu helay

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka dalban doona madaxda dalka Talyaaniga uu la kulmo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladad Talyaaniga taageero u siin  laheyd baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga oo horey usoo gumeysatay Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga marar kala duwan dalkooda ku casuumeyn madax katirsan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Janan oo ku dhawaaqay dagaal, digniin culusna siiyey shacabka Belad-xaawo

Caydiid Ali

Maraykanka oo dib u bilaabay taageeradii uu sanado ka hor ka joojiyey Ciidanka XDS

Caydiid Ali

Mustaqbalka Saciid Denni, iyo isagoo u diiday Madaxweyne Xasan Sheekh inuu booqdo Puntaland !!

admin
Taboola Ads ---