Askari katirsan ciidanka booliiska dalka Masar ayaa toogasho ku dilay labo qof oo dalxiisayaal u dhashay Israa’iil iyo darawalkii waday oo ku sugnaa magaaada dalxiiska loo tago ee Alexandria.
Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’il ayaa xaqiijisay weerarka lagu dilay muwaadiniinta u dhashay dalkeeda, mana bixin wasaaradda faah faahino dheeraad ah oo ku aadan toofashadan ka dhacday Masar.
Warbaahinta Aljazeera ayaa baahisay in askariga hubeysa uu rasaas ku furay dalxiisayaasha Isra’il u dhashay iyo darawalkii waday, waxaana la xaqiijiyay in saddexdaas qof rasaasta lagu dhuftay u geeriyoodeen.
Ciidamada ammaanka ayaana si deg deg ah gacanta ugu dhigay askariga katirsan booliiska dalka Masar ee dilka geestay, waxaana socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan sababta dilkan keentay.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo nuucan ah oo ka dhaca magaalada dalxiiska loo tago ee Alexandria muddo sannado ah, waxa uuna weerarkan imaanayaa, xilli dagaal xooggan oo u dhaxeeyo Isra’il iyo Xamaas ka socdo Marinka Gaza iyo aageeda.