Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo codsatay wadahadal lagu sii dayn karo askarta iyo rayidka ay Xamaas ka qabsadeen

Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray inay Israel ka codsadeen Masar inay gacan ka geystaan dhex dhexaadin horseedi karta in kooxda Xamaas sii daayaan askarta iyo rayidka Israel ee shalay lagu qabsaday hawlgalka duufaanta ee Al-Aqsa.

Saraakiil Masaari ah oo aan magacyadooda la shaacinin ayaa u sheegay Wargeyska  codsiga ay Israel ku doonayso inay dowladda Masar kala xaajoodaan ururka Xamaas sidii loo sii dayn lahaa muwaadiniinta Israel ee ay ka soo qafaasheen gudaha Israel.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa qoray in aysan wali kala caddayn tirada rasmiga ee dadka Israel ee u gacan galay ururka gobannimo doon ee Xamaas , kuwaasi oo lagu hayo magaalladda Qasa.

Dhanka kale, Warbaahinta maamulka Israel waxay soo weriyeen in la la’ yahay 750 Israeli oo lagu waayey weerarkii ay dagaallamayaasha Xamaas shalay gudaha ugu galeen qeybo ka mid ah dhulka Israel maamusho.

Masar waxay xuduud dhererkiisu yahay 12 KM la wadaagaan Marinka Qasa ee Falastiin, waxayna horey kaalin ka qaateen xabbad-joojin ay Israel iyo ururka Xamaas gaareen bishii May ee sanadkii 2021-kii, kadib, Dagaalkii loogu magac daray Seeftii Al-Qudus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) War Murtiyeed ka soo baxay shirkii Wadatashiga DF & Madaxdii hore

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somaliland oo War Kasoo saartay Wadahadalada Soomaaliya iyo Dadaalada uu…

Cabdi Cade

Yuusuf Garaad oo faallo cajiib ah ka qoray xaalada Siyaasadeed ee Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---