Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Digniin adag u diray Duuliyaashiisa iyo Muwaadiniinta ku sugan Israa’iil

Dowladda Mareykanka ayaa digniin adag u dirtay duuliyaasha diyaaradaha ee adeegsanaya hawada dhulka ay maamusho Israa’iil, xilli dagaal iyo duqeymo u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo xoogaga xaq u dirirka Xamaas uu socdo.

War kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Maraykanka ayaa ugu baaqday shirkaddaha duulimaadka Maraykanka iyo duuliyayaashooduba in ay taxadar dheeraad sameeyaan marka ay marayaan hawada Israa’iil.

Hay’adda duulimaadka rayidka ee federaalka Mareykanka ayaa sheegtay in si dhab ah loo qaato digniinnaha soo baxaya, waxa ayna duuliyaasha kula talisay in ay ka fogaadaan meelaha halista badan ay ka jirto.

Dhinaca kale waaxda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa digniin u dirtay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dhulka Israa’iil, waxa ayna dadkaasi kula talisay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Dowlado badan oo caalamka una badan waddamada reer Galbeedka ayaa ka walaacsan xaalada muwaadiniintooda jooga dhulka Israa’iil maamudho, waxa ayna u direen digniino la xiriira in ay taxadar galaan ama kasoo tagaan dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkan ka Daawo :Cadaalad darada iyo dulmiga ka jira Garsoorka Somalia

admin

Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaali Afduub loogu heestay Johannesburg oo lasoo bad baadiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---