Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-shabaab oo war ka soo saartay Weerarkii lala beegsaday kolonyada ciidanka Talyaaniga

War ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin oo ah oo saraakiil caddaan ah lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah uu gaari Miinaysan ku dhuftay kolonyo gaadiid ah xilli ay marayeen meel ku dhow wasaaradda Gaaashaandhigga.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan saliibiyiinta Midowga Yurub xilli ay marayeen agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho khasaaraha cadowga gaarayna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Haddii Alle idmo” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad u xooggan kadibna ay arkeen gaadiid ku gubanaya goobta qaraxu ka dhacay, ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa rasaas furay markii uu qaraxu dhacay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in gaariga miinaysan uu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay saraakiil katirsan dowladda Talyaaniga kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay xarunta wasaaradda G/dhigga kulamo kulalahaa mas’uuliyiin katirsan DF-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo xirxiray 24 dhalinyaro oo ku eedeysan..

Caydiid Ali

Villa Somalia oo Lacag badan ku bixineysa Masuul sare oo doonaya Kursi Xildhibaanimo !!

Cabdi Cade

Somaliland oo War kasoo saartay Dagaal dhax maray ciidankooda iyo kuwa Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---