Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirrada) Sida uu dhacay gulufka dagaal ee Xamaas ku ekeysay Israel

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah kuwaasoo Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo rideen Gaza.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil.

Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sii kordhayay tan iyo horraantii sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ku dhintay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ay gaartay heer aan muddo sanada ah la arag.

“Waxa aan go’aansannay inaan soo afjarno dhammaan danbiyada uu gaystay gumeysigu (Israa’iil). Waqtigoodii ay weerrarada gaysan jireen iyadoo aan lala xisaabtamin waa uu dhammaaday,” ayaa lagu yiri war ay baahiyeen Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee ururka Xamas ee ka taliya marinka Gaza.

Kooxda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ay ugu magac dareen ‘Daadka Al-Aqsa’ ay adeegsadeen wax ka badan 5 kun oo gantaal oo ay ku weerareen Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay mintidiin Falastiiniyiin ah kula dagaalamaayn dhowr ah aag oo ku dhow Marinka. Waxa ay dhankooda howlgalka ugu magac dareen ‘Seefaha Birta ah’.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay gudaha Israa’iil, iyadoo duqeymo aargudasho ah oo ay qaadeen dayuuadaha Israel lagu laayey ku dhowaad 200 oo shacab falastiiniyiin ah.

Kooxda Islaamiga ah Falastiiniyiinta ee Xamaas oo weerar ku qaaday Israa’iil kii ugu waynaa muddo sannado ah ayaa waxay halkaas ku dileen ugu yaraan 40 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen weerar lama filaan ah oo ay ku qaadeen rag hubaysan oo u tallaabay Israa’iil iyo gantaallo laga soo tuuray Qaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in kooxda ay Iran taageerto ku dhawaaqday dagaal, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan weerarkan oo lama filaan ku noqday Yuhuuda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowlada oo ka hadashay lacagta Qaaraanka ee ku leedahay Q/M iyo sida ay ku timid

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jabuuti

Cabdi Cade

Shirka Bandhigga qaab dhismeedka iyo isku duwida deeqaha Caalamka oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---