Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

40 Israa’iliyiin ah iyo 198 reer Falastiin ah oo illaa hadda la dilay (Warar cusub)

Kooxda Islaamiga ah Falastiiniyiinta ee Xamaas oo weerar ku qaaday Israa’iil kii ugu waynaa muddo sannado ah ayaa waxay halkaas ku dileen ugu yaraan 40 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen weerar lama filaan ah oo ay ku qaadeen rag hubaysan oo u tallaabay Israa’iil iyo gantaallo laga soo tuuray Qaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in kooxda ay Iran taageerto ku dhawaaqday dagaal, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan weerarkan oo lama filaan ku noqday Yuhuuda.

“Cadowgeena wuxuu bixin doonaa qiimo uusan waligiis aqoon,” ayuu yiri. “Waxaan ku jirnaa dagaal, waana ku guuleysan doonnaa”.

Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 40 Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen weerarka Xamaasna ay ku dhaawaceen boqolaal kale balse wadarta guud ayaa u muuqata in ay kor u sii kacayso. Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay meydad badan oo daadsan waddooyinka magaalada koonfurta ku taal ee Sderot.

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay. balse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta afduubka la sheegay in ay Xamas geysteen.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay kaga jawaabeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen Qaza, halkaasi oo dad goob joogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo culus iyo dhimasho iyo dhaawac badan oo loo qaaday isbitaalada.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in 198 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo xagga cirka ah, iyadoo duqeymaha ay si qoto dheer uga dhaceen magaalada Gaza, taasoo cirka isku shareertay qiiq madow.

Ku xigeenka madaxa Xamaas Saleh al-Arouri ayaa u sheegay Al Jazeera in kooxdan ay gacanta ku hayaan tiro badan oo maxaabiis Israel ah oo ay ku jiraan saraakiil sarsare.

Xamaas ayaa sheegtay in weerarkan ay ka danbeeyeen wax ay ku sheegeen weerarrada ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed, Qudus iyo falastiiniyiinta ku jira xabsiyada Israa’iil.

Taliyaha militariga Xamaas Mohammad Deif ayaa ku dhawaaqay bilaabashada howlgalkan isagoo baahiyey warbaahinta Xamaas, isagoo ugu baaqay Falastiiniyiinta meel kasta oo ay joogaan inay dagaalamaan.

“Tani waa maalintii ugu weyneyd ee lagu soo afjari lahaa qabsashadii ugu dambeysay ee dhulka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in 5,000 oo gantaal la soo riday. Xamaas waxay u ololaysaa burburinta Israa’iil.

Weerarkan ayaa muujinaya duullaan aan horay loo arag oo Israa’iil ay ku galeen rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan oo ka soo gudbayay marinka Qaza, waana dharbaaxadii ugu cusleyd ee soo gaarta Israa’iil colaadda kala dhexeysa Falastiiniyiinta tan iyo markii ay is-qarxiyeen Intifadaada Labaad muddo labaatan sano laga joogo.

 

Related posts

Akhriso Warqad uu Sheekh Axmed Madoobe usoo diray Madaxweyne Farmaajo 

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya 19 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ammar cusub siiyay Taliska ciidamada Booliiska (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---