Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf uu ka dhax qarxay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, waxaana khilaafkan hadda noqday mid soo bannaan baxaya.
Khilaafka ayaa soo if baxay kaddib markii Ra’isul Wasaare Xamse Barre Muqdisho ku casuumay hoggaamiyaha maamulka SSC ee dagaalka xooggan la galay kana guuleestay maamulka Somaliland.
Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa kasoo horjeestay in Xukuumadda casuumad u fidiso hoggaamiyaha maamulka SSC , waxa uuna isku dayay sidii loo baajin lahaa safarka hoggaamiyaha SSC , taa uu ku guul-dareestay.
Hoggaamiyaha SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si aan caadi aheyn shalay loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxa ayna soo dhaweynta maqaamkeedu sareeyay kasii carreesiisay Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo xildhibaannada gobolada waqooyi kasoo jeeda.
Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo kuxigeenkiisa khilaafka ka dhax qarxay ayaa laga cabsi qabaa in saameyn ku yeesho howlaha shaqo ee xukuumadda , haddii aan si deg deg ah xal loogu helin khilaafkaasi.