Allbanaadir.com
NEWS

Dayax Madoobaad la sheegay inuu dhici doona dabayaaqada bishan iyo meelaha laga arki doono

Khubarada cilmiga Xiddigiska ku xeeldheer ayaa waxa ay sheegeen in bishan October 28-keeda uu dhici doono Dayax madoobaad, waa sida ay sheegeen, balse, Ilaahay baa og Xaqiiqda waxa dhici kara.

Khubaro ka tirsan waaxda cilmiga xiddigiska ee kulliyada Fiisikiska (Physics) ee Jaamacadda dowladda Azerbaijan ee BSU ayaa si gaar ah u shaaciyey in bishan October 28-da uu dhici doono Dayax Madoobaadkii labaad ee la arko sanadkan 2023-ka.

Qeyb ka mid Dayaxa ayaa madoobaan doonto sida ay sheegeen khuburadan, iyadoo laga arki doono dalalka Africa, Europe, Asia, Australia, North America, Northeast South America, Pacific, Atlantic, Indian Oceans, Arctic and Antarctica.

Khubarada waxay saadaaliyeen inuu Dayax Madoobaadka dhici doono abaaro 22:01:44 ee xilliga dalka Azerbaijani oo u dhiganta 23:01:44 ee xilliga Afrikada Bari (East Africa Time (EAT) ama Abaaraha 19: 36 ee xilliga Greenwich Mean Time (GMT).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Kenya oo talaabo culus qaaday ka dib digniintii ka soo baxday Mareykanka

Caydiid Ali

Shacabka Ukraine oo bilaabay in ay si farsameesan ku dilaan Ciidamada Ruushka

Cabdi Cade

Maxkamad nin dhaqtar ah ku xukuntay inuu hooyadii siiyo hal Milyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---